MUQDISHO, Febraayo 23, 2026 – Hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta shir xasaasi ah ku leh magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga Xalane, si ay uga tashadaan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan kadib markii wada-hadalladii ay la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ay ku dhammaadeen is-afgarad la’aan.
Kulankan ayaa daba socda shir saacado badan qaatay oo Axaddii ka dhacay xarunta Madaxtooyada, kaas oo lagu guul-darreystay in laga gaaro heshiis mideeya dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, iyo sidoo kale qodobo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha uu ku adkeystay mowqifkiisa ku aaddan qaabka loo wajahayo doorashooyinka, taasoo caqabad ku noqotay in la gaaro is-afgarad siyaasadeed. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Madaxweynaha uu si toos ah ula xiriiray qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka kadib kulankii ugu dambeeyay, isaga oo ka codsaday inaysan si degdeg ah war uga soo saarin fashilka wada-hadallada, si fursad loo siiyo dadaallada xal-raadinta.
Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal ka kala socda maamullada Puntland iyo Jubbaland, ayaa la filayaa inay kulanka maanta ku go’aamiyaan mowqifkooda rasmiga ah, haddii ay sii wadi doonaan wada-hadallada ama ay qaadi doonaan tallaabooyin siyaasadeed oo kale.
Khilaafka sii jiitamaya ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed ee dalka, xilli Soomaaliya ay isu diyaarinayso doorashooyin la filayo inay qabsoomaan sanadaha soo socda. Ilaa iyo hadda lama shaacin war-murtiyeed rasmi ah oo ka soo baxay kulanka, iyadoo indhaha siyaasadda ay ku jeedaan natiijada

