Waxaa dib u dhacay war-murtiyeed lagu waday in uu maanta ka soo baxo shirkii Xubnaha Mucaaradka Dalka maalmihii la soo dhaafay uga socday Hotel Jazeera ee Magalada Mogadishu. Waxaa shirkaas isugu yimid xubno uu ku jiro Madaxweyne hore Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, Raiisul Wasaareyaal hore oo badan, siyaasiyiin kale oo xilka madaxtinimo daneynaayo iyo qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka dalka.
Dahir Mohamud Gelle oo dhawaan saxaafadda uga warbixiyay shirkan iyo halka uu marayo ayaa sheegay in warmurtiyeedka rasmiga ah uu soo bixi doono habeen dambe isla markaasina wati dheeraad ah lagu kordhiyay shirka mucaaradka u socday oo lagu waday in maanta la soo gabagabeeyo.
“Waxaan u baahanahay in maalin kale aan ku darno shirka, sidaas darteed xafladii gabagabadda habeen dambe ayeey noqon doontaa, waxaana isla xiligaas soo bixi doona warmurtiyeedka shirka,” ayuu yiri Dahir Gelle oo saxafiyiinta kula hadlay hotelka uu shirkan ka socdo.
Mucaaradka waxaa ay dhsieen madal loogu magac daray madasha samata-bixinta taas oo mucaaraka uu sheegay in mugdiga looga saarayo dhamaan wixii Somali ay heshiis ku aheyd oo god dheer uu ku riday hogaanka talada haya ee uu maamulo Madaxweyne Xassan Sheikh.
Dahir Geller ayaa yiri, “Madaxweyne Xassan Sheikh waxaa uu ka aamin baxay dastuurkii dastuurki heshiiska lagu ahaa, wixii ay Somali u wada dhameyd ayaa mugdi galaya,si mugdigaas looga baxo ayaana loo asaasay madasha samata-bixinta.”
Shirkan mucaradka oo ahaa mid lagu falanqeynayay xaalada siyaasadda ee dalka, xaaladaha haatan taagan iyo waxa iyaga kala muqan mustaqbalka soo socda ayaa wararka horhdaca ah waxaa ay sheegayaan in la isku qilaafay qodobadii warmurtiyeedkiisa lagu gori lahaa qaar ka mid ah taasina ay tahay sababta dib loogu dhigay warmurtiyeedka.
Si kastoo ay noqotaba mucaaradka xagooda waa ay inkireen inuu jiro wax qilaaf ah oo dhaxdooda soo gaalay oo ku aadan qodobadda warmurtiyeedkooda.