New York — Maxkamad federaal ah oo ku taalla dalka Mareykanka ayaa xabsi daa’in ku xukuntay nin u dhashay dalka Kenya, kaddib markii lagu helay inuu ka shaqeynayay qorshe argagixiso oo halis ah oo lagu doonayay in diyaarad ganacsi lagu afduubo laguna burburiyo dhisme weyn oo ku yaalla magaalada Atlanta.
Cholo Abdi Abdullah, oo 34 jir ah, ayaa Isniintii, 22-ka Diseembar 2025, lagu riday laba xabsi daa’in oo isku xiga, iyadoo sidoo kale lagu xukumay kormeer nololeed. Xukunka waxaa riday Garsoore Analisa Torres, kaddib markii Abdullah lagu helay dambiyo culus oo la xiriira argagixiso, kuwaas oo ay ka mid yihiin taageeridda urur argagixiso shisheeye, shirqool dil muwaadiniin Mareykan ah, afduub iyo burburin diyaarad, iyo falal argagixiso oo ka gudba xuduudaha caalamiga ah.
Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in Abdullah uu ku biiray kooxda Al-Shabaab sannadkii 2015, halkaas oo uu ku qaatay tababarro la xiriira walxaha qarxa, sirdoonka iyo hawlgallada qarsoodiga ah. Qorshaha la fashiliyey ayaa lagu tilmaamay mid “u eg weerarradii 11-kii Sebtembar 2001,” islamarkaana qayb ka ahaa olole ay maleegayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacidda kana dagaallanta Soomaaliya.
Sannadkii 2017, Abdullah ayaa u guuray dalka Filibiin si uu u barto duuliyenimo, isaga oo doonayay inuu noqdo duuliye ganacsi. Intii uu tababarka ku jiray, ayuu sameeyay baaritaanno badan oo internetka ah oo ku saabsan ammaanka diyaaradaha, albaabbada qolka duuliyaha ee Boeing 737, iyo ilaalada cirka. Bishii Janaayo 2019, ayuu si gaar ah u baaray duullimaadyada Delta iyo dhismaha ugu dheer Atlanta, oo ah Bank of America Plaza oo ka kooban 55 dabaq.
Baarayaashu waxay sheegeen in Abdullah uu ku dhowaa dhammeystirka shuruudaha ruqsadda duuliye ganacsi, iyadoo hal shuruud oo keliya ay ka dhimneyd, ka hor inta aan lagu xirin eedeymo maxalli ah. Sannad kaddib, ayaa loo wareejiyay hay’adaha sharciga ee Mareykanka si maxkamad loo saaro.
Sannadkii 2024, xeerbeegti ku sugan Manhattan ayaa Abdullah ku heshay lix dacwadood oo argagixiso ah. Intii ay socotay maxkamadeynta, wuxuu doortay inuu isagu is-difaaco, mana bixin hadal furitaan ah, sidoo kalena si kooban ayuu uga qayb qaatay dhageysiyada.
Xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee New York, Jay Clayton, ayaa sheegay in xukunka lagu riday Abdullah uu muujinayo sida ay dowladda Mareykanka uga go’an tahay ka hortagga argagixisada caalamiga ah. Al-Shabaab, oo Mareykanku u aqoonsaday urur argagixiso shisheeye sannadkii 2008, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya, waxayna marar badan isku dayday inay weerarro ka fuliso gudaha iyo dibadda dalka.

