Thursday, June 5, 2025
spot_img
GurigaWararkaOgoow sababta rasmiga ah ee Ciidamadda Burundi ee Howlgalka AUSSOM ay sababtidii...

Ogoow sababta rasmiga ah ee Ciidamadda Burundi ee Howlgalka AUSSOM ay sababtidii ciidamada uga baxeen degaanka Xawaadley

Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay in ciidamada Burundi ee ku sugnaa saldhigga Xawaadley laga daad gureeyay kaddib markii daadad xooggan ku dhuftay deegaankaas.

Ka bixitaankooda kaddib, Alshabaab ayaa dib ula wareegtay Xawaadley, halkaas oo ay muddo dhowr sano ah gacanta ku haysay Dowladda Federaalka, ayna ka dhaceen dagaallo ay ku dhinteen boqolaal askari iyo saraakiil ciidan.

Howlgalka AUSSOM ayaa sheegay, intii lagu guda jiray daadgureynta ciidanka inay cillad farsamo ku timid mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca, inkastoo ay sheegeen in duuliyeyaasha ay si xirfad leh diyaarada ugu dejiyay si nabad ah, iyadoo aan wax khasaare ah la soo sheegin.

Howlgalka AUSSOM marna masoo hadal qaadin in degaanka Xawaadley ay la wareegeen ururka Alshabab, taas beddelkeedna waxay sheegeen in dhammaan ciidamadooda iyo shaqaalahooda si nabad ah loogu daadgureeyay saldhig militari oo u dhow.

Ciidamada Burundi oo horey uga baxay howlgalka AUSSOM ayaa la filayaa inay dhawaan dalka ka baxaan, iyagoo sugaya ciidamo kale oo kala wareegi doona masuuliyadda amni ee gobolka Gobolka Shabeellada Dhexe.

Dhinaca kale, maamulka deegaanka Xawaadley ayaa sheegay in aysan Alshabaab xoog ku qabsan deegaanka, isagoo sheegay in daadad kusoo rogmaday deegaanka ay sababtay in xeryihii ciidamada ay biyo soo galaan kaddibna ay go’aansadeen in deegaanka lagasoo daad gureeyo ciidamada AUSSOM.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular