Garoowe — Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay tirada ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ee ku sugan deegaannadeeda, kuwaas oo si toos ah mushaar uga qaata dowladda dhexe.
La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha amniga, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa sheegay in 1,376 askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin deegaannada Puntland, isla markaana aysan ka amar qaadan maamulka Puntland. Wuxuu tilmaamay in ciidamadaasi yihiin cutubyo aan ku jirin nidaamka amni ee Puntland, isla markaana laga hago meelo kale.
“Ciidan aan ka amar qaadan nidaamka dowlad-goboleedka, oo hadba meel laga maamulo, ma aha ciidan waafaqsan nidaam dowladeed,” ayuu yiri Qarjab, isagoo ku dooday in joogitaanka ciidamadan uu carqalad ku yahay amniga iyo jiritaanka Puntland.
La-taliyaha ayaa sidoo kale xusay in qaar ka mid ah ciidamadaasi ay ku lug leeyihiin howlgallo amni iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada, halka kuwo kale uu ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin nidaamka dowladnimada Puntland. Sida uu sheegay, ciidamadaas ayaa ku kala sugan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Xaafuun iyo Gaalkacyo.
Hadalladan ayaa imanaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo saameyn ku yeeshay wada-shaqeynta dhinacyada amniga. Puntland ayaa sidoo kale hore u muujisay diidmo ku aaddan maamulka Waqooyi Bari ee fadhigiisu yahay Laascaanood, taas oo sii xoojisay xiisadda u dhexeysa labada dhinac.
Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, oo uu hoggaaminayo Janaraal Jimcaale Jaamac Takar, ay ka qayb-qaateen sugidda amniga intii ay Laascaanood ku sugnaayeen madax ka tirsan Dowladda Federaalka. Ciidamadaasi ayaa la sheegay inay markii dambe dib ugu laabteen saldhigyadooda milatari ee Garoowe.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay taagan tahay dood ku saabsan hab-maamulka amniga dalka iyo doorka ay ku leeyihiin dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

