Gaalkacyo — Talaado, Febraayo 3, 2026 — Maamulka Puntland ayaa maanta xukun qisaas ah ku fuliyay haweeney lagu magacaabo Hodan Maxamuud Diiriye, kaddib markii maxkamaduhu ku heleen dambiga dilka gabar 14 jir ahayd oo la oran jiray Saabiiriin Saylaan Cabdille.
Fulinta xukunka ayaa ka dhacday magaalada Gaalkacyo, iyadoo la sheegay in qoyska gabadha la dilay ay diideen magdhow (diyo), isla markaana ay doorteen in caddaaladda shareecada Islaamka loo maro. Go’aankaas ayaa horseeday in xukun qisaas ah lagu fuliyo eedaysanaha.
Maxkamaddu waxay caddeysay in Hodan Maxamuud ay si joogto ah u geysan jirtay tacaddiyo arxan-darro ah oo ka dhan ah Saabiiriin, oo ka shaqayn jirtay gurigeeda, kuwaas oo ugu dambeyn sababay geerideeda. Saraakiisha amniga iyo xeer ilaalinta ayaa maxkamadda horgeeyay caddaymo muuqaal ah oo laga helay taleefanka eedaysanaha, kuwaas oo muujinayay jirdil iyo tacaddi ka baxsan bani’aadantinimada.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in fulinta xukunkan ay waafaqsan tahay go’aan hore oo ka soo baxay maamulka gobolka Mudug, kaas oo dhigaya in dambiyada dilka si toos ah loogu maro shareecada Islaamka, si loo yareeyo falalka dilalka ee ka dhaca Gaalkacyo.
Tani waa markii ugu horreysay muddo tobannaan sano ah oo haweeney lagu fuliyo xukun qisaas ah gudaha Puntland. Markii ugu dambeysay ee xukun dil ah laga fuliyo Puntland waxay ahayd sanadkii 2013, xilligaas oo dil toogasho lagu fuliyay 13 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo ay ku jirtay haweeney.
Kiiskan ayaa si weyn u gilgilay dareenka bulshada, gaar ahaan u doodayaasha xuquuqda carruurta, kuwaas oo ku baaqay in la xoojiyo ilaalinta carruurta iyo shaqaalaha guryaha, si looga hortago tacaddiyada noocan oo kale ah. Mas’uuliyiinta ayaa dhankooda sheegay in xukunkani uu fariin cad u dirayo cid kasta oo ku kacda falal lid ku ah nolosha aadanaha.

