Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaRa’iisul Wasaaraha Israa’iil oo Ka Hadlay Go’aanka Aqoonsiga Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo Ka Hadlay Go’aanka Aqoonsiga Somaliland

Washington — Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sharaxay sababta uu dalkiisu u aqoonsaday Somaliland, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid ku saleysan taageeridda dal uu ku sifeeyay mid dimuqraadi ah, deggan, isla markaana doonaya xiriir nabadeed oo la yeesha Israa’iil.

Netanyahu ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay telefishinka Newsmax xilli uu ku sugnaa dalka Maraykanka, halkaas oo wax laga weydiiyay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda Gaza, xiisadda Israa’iil iyo Iiraan, iyo aqoonsiga dhawaan ay Israa’iil siisay Somaliland. Wuxuu sheegay in Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland.

“Somaliland waa dal ay ku nool yihiin ku dhowaad lix milyan oo muwaadiniin ah—Muslimiin qunyar socod ah—kuwaas oo doonaya inay ku biiraan Heshiisyada Abraham. Waa dimuqraadiyiin, doorashooyin bay qabteen,” ayuu yiri Netanyahu. Wuxuu intaa ku daray in hoggaanka iyo nidaamka siyaasadeed ee Somaliland ay ka duwan yihiin waxa ka jira inta kale ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ku tilmaamay Soomaaliya inteeda kale mid uu sheegay inay la tacaalayso argagixisada Al-Shabaab, isla markaana aysan ka dhicin doorashooyin toos ah muddo dheer. Hadalladaas ayaa dhaliyay dood iyo falcelin xooggan oo caalami ah.

Netanyahu ayaa ku dooday in aqoonsiga Somaliland uu yahay taageero loo fidinayo dal Muslim ah oo dhexdhexaad ah kana diyaar u ah inuu xidhiidh la yeesho Israa’iil, isaga oo xusay Heshiisyada Abraham oo ujeeddadoodu tahay caadiyeynta xiriirka Israa’iil iyo dalal Carbeed. Heshiisyadaas ayaa markii ugu horreysay la saxiixay sanadkii 2020 intii uu xilka hayay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, iyadoo Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ay noqdeen dalalkii ugu horreeyay ee Carbeed ee ku biira.

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ayaa la kulmay cambaareyn ballaaran oo caalami ah, iyadoo dalal badan oo Muslim ah, kuwa Afrika iyo Yurub, iyo hay’ado caalami ah ay muujiyeen walaac ku saabsan saameynta tallaabadaasi ku yeelan karto xasilloonida Geeska Afrika iyo sharciga caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, Netanyahu ayaa ku adkaystay in go’aanka Israa’iil uu yahay mid sax ah, isagoo yiri, “Maxaa loo diidayaa in la taageero dal dimuqraadi ah oo Muslim ah oo doonaya nabad iyo iskaashi?”

RELATED ARTICLES

Most Popular