Laascaanood — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, oo ah xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada. Xamsa Cabdi Barre ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka ammaanka, isaga oo gacan-qaad la yeeshay masuuliyiinta dowladda iyo maamulka deegaanka.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira ka qayb-galka munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, oo lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Laascaanood. Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb-galaya madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka, wasiirro, xildhibaanno, taliyeyaasha hay’adaha ammaanka iyo masuuliyiin hore.
Amniga magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la soo rogay bandow ku-meel-gaar ah, lana hakiyay isu-socodka gaadiidka iyo dadka gudaha magaalada muddo 48 saacadood ah. Ciidamada ammaanka ee ku sugan gudaha iyo daafaha magaalada ayaa wadajir uga shaqeynaya sugidda nabadgelyada, si munaasabadda caleemo-saarku ugu qabsoonto jawi degan oo ammaan ah.
Shacabka magaalada ayaa lagu boorriyay in ay muujiyaan dulqaad iyo wada-shaqeyn, maadaama Laascaanood ay martigelinayso madaxda ugu sarreysa dalka, isla markaana ay socoto munaasabad rasmi ah oo heer qaran ah.

