MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNICEF, iyo dardargelinta taageerada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa la wadaagay wakiilka cusub guulaha ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran, isaga oo xusay in dalka uu galay marxalad dib u habeyn iyo dhismaha dowladnimada, gaar ahaan hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029, oo ah qaab dhismeedka hagaya mudnaanta horumarineed ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay UNICEF taageerada ay ka bixiso dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, nafaqada carruurta, iyo dadaallada lagu gaarsiinayo biyo nadiif ah bulshada nugul, gaar ahaan deegaannada ay saameeyeen abaaraha.
Dhankeeda, Marwo Sandra Lattouf ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta wada shaqaynta ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay ballanqaadday in UNICEF ay sii wadi doonto taageerada ku aaddan adeegyada aasaasiga ah, oo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo tallaalka carruurta, la dagaallanka nafaqo darrada, horumarinta waxbarashada, iyo kordhinta helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowrka.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah si loo horumariyo adeegyada bulshada iyo dib u dhiska dalka.

