Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, iyagoo ka wada-hadlay dardargelinta iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojinayso doorkeeda diblomaasiyadeed, si loo gaaro natiijooyin wax-ku-ool ah oo ku saleysan danaha guud ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad muhiim ah oo dib-u-soo-kabashada amniga iyo dhaqaalaha ah.
Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ay ka go’an tahay joogteynta iyo ballaarinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, isagoo caddeeyay in Shiinuhu sii wadi doono taageerada uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada hagar-la’aanta ah ee ay u fidisay Soomaaliya, gaar ahaan garab-istaagga midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, isaga oo bogaadiyay doorka muuqda ee Shiinaha ka qaato dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kaalmada bini’aadannimo.

