Muqdisho — Raisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka hadlay hadalladii madaxweyne Donald Trump ku weeraray Soomaaliya iyo Soomaalida Mareykanka, isaga oo ku tilmaamay in falkaasi aannu gaar u ahayn Soomaaliya.
Raisul Wasaare Xamse ayaa yiri:
“Horta Donald Trump, madaxweynaha Mareykanka, Soomaaliya kaliya ma ahee waddamo badan ayuu af xumeeyay runtii, dad badan buu wax ka sheegay, Nigeria buu wax ka sheegay, South Africa saasoo kale wax oga sheegay. Marka waxaa jira mararka qaarkood waxyaabo la yiraahdo salaaman ku dhaafa, inaan issue ka dhigno micno u yeelno, Waxaa ka dhib yar inaan iska dhaafno.”
Hadalkan ayaa ka soo baxay xilli Raisul Wasaaraha uu madal ka jeedinayay khudbad, isaga oo isku dayay in uu xaaladda si degan uga jawaabo, isla markaana yareeyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hadalladii Donald Trump.
Donald Trump ayaa ku tilmaamay soomaalida mareykanka iney yihiin ‘garbage’ (qashin), isagoo sidoo kale ku tilmaamay in dalkooda asal ahaan uu yahay ‘meel aan wax ku jirin’ — hadalladan oo si weyn uga careysiiyay bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota iyo guud ahaan jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanka.
Jacob Frey, duqa magaalada Minneapolis, ayaa si cad u cambaareeyay hadalladan, isagoo sheegay in beegsiga bulshada Soomaaliyeed oo dhan uu yahay mid aan sharci ahayn, isla markaana booliiska Minneapolis aysan ka qeyb qaadan doonin howlgalada lagu tarxiilayo dadka soo galootiga ah ee ku nool Minneapolis.
Hadalada Donald Trump iyo aflagaadada uu ku beegsaday Soomaalida ayaa cabsi weyn ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, kuwaasoo ka walaacsan in la bartilmaameedsado. Sidoo kale, hay’adda ICE ayaa qorsheynaysa howlgallo ballaaran oo lagu beegsanaayo Soomaalida ku nool Minneapolis iyo St. Paul si loo tarxiilo.

