Friday, May 16, 2025
spot_img
GurigaWararkaRASMI: Ururka caddaaladda iyo wadajirka oo looga dhawaaqay Muqdisho.

RASMI: Ururka caddaaladda iyo wadajirka oo looga dhawaaqay Muqdisho.

Shirweynaha Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka ayaa si rasmi ah xalay uga qabsoomay magaalada Muqdisho, Shirwaynaha oo ay ka soo qaybgaleen ergo ka badan 2700 oo ka kala timid daafaha dalka isla markaana ka mid ah Xubnaha Rasmiga ee Urur Siyaasadeedka JSP, ayaa lagu ansixiyay Dastuurka iyo Xeerhoosaadyada Ururka iyada oo sidoo kale la doortay Xubnaha Guddiga Fulinta iyo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Ururka.

Shirweynaha waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo madasha ka jeediyay khudbad taabanaysay muhimadda ay leedahay hannaanka xisbiyada, wadajirka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale goobta khudbado kala duwan ka jeediyay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda DanQaran, Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka iyo qaar ka tirsan Golaha Wasiirrada oo bogaadiyay aasaasidda Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka, iyo jihada cusub ee ay qaadday siyaasadda dalka.

Shirweynaha waxaa kale oo hadaljeedin ka sameeyay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ahan Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka, Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir.

Gunaanadkii, xubnaha uu Shirwaynaha u doortay Guddiga Fulinta ayaa kala ah:-

1.  Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka ahna Musharraxa
2.  Xamza Cabdi Barre, ⁠Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda, Istaraatiijiyadda iyo Qorsheynta.
3.  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Amniga iyo Dowlad Goboleedyada.
4. Saalax Axmed Jamac, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhaqaalaha.
5. Marwo Sacdiyo Yasiin Samatar, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Horumarinta Bulshada iyo Wacyigalinta.
6. Cabduraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Xoghayaha Guud ee Ururka JSP.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular