Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaSacuudi Carabiya oo si cad u garab istaagtay midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya oo si cad u garab istaagtay midnimada Soomaaliya

RIYAAD — Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa mar kale si cad u muujisay mowqifkeeda adag ee ka dhanka ah isku day kasta oo lagu kala qaybinayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ama lagu wiiqayo midnimadeeda, madaxbannaanideeda iyo wadajirka dhuleed.

Bayaan ka soo baxay kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis, ayaa lagu sheegay in Sacuudigu si adag uga soo horjeedo abuurista hay’ado ama maamulo isbarbar socda oo lid ku ah jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa carrabka ku adkeeyay in Boqortooyadu ay diidan tahay faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, iyo tallaabooyin kasta oo wax u dhimaya madaxbannaanida, qaranimada iyo midnimada dalka. Waxa kale oo la xusay in Sacuudi Carabiya ay si buuxda u taageersan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida iyo wadajirka dhuleed.

Sidoo kale, Sacuudi Carabiya ayaa soo dhoweysay go’aannadii horay uga soo baxay Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, kuwaas oo si mideysan u taageeray midnimada, madaxbannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Mowqifkan ayaa imanaya xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo Sacuudi Carabiya ay mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay taageerada nabadda, xasilloonida iyo ilaalinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Most Popular