Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaSAWIRO: Saraakiisha NISA oo gacanta ku soo dhigay Xubno Shabaab ah oo...

SAWIRO: Saraakiisha NISA oo gacanta ku soo dhigay Xubno Shabaab ah oo qaraxyo diyaarinaayay

Warsaxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka oo shalay galab dhacay lagu qabtay labo dhagar-qabe oo lagu kala magacaabo, Nuur Muxudiin Jibriil iyo Maxamed C/raxmaan Maxamuud.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad­sugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigay xubno ka tiran Al-Shabaab kuwaas oo ku howlan­aa in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka oo shalay galab dhacay lagu qabtay labo dhagar-qabe oo lagu kala magacaabo, Nuur Muxudiin Jibriil iyo Maxamed C/raxmaan Maxamuud.

“Xiliga gacanta lagu soo dhigayay waxaa ay ku howlan­aayeen in ay soo geli­ya­neen magaalada, 8 miino oo isugu jira; 3 nooca soo boodda ah, 5 nooca dhejiska ah, iyo 2 bambo F1,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay NISA.

Sidoo kale, howlgal qorsheysan oo ciidanka NISA, ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley ayaa waxa ay kusoo qabteen dhagar-qabe lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdi oo kooxda Al-Shabaab dhex­deeda looga yaqaanay Macruuf iyo Cali foowdo, kaas oo dhawaan ay maleeshiyaadka Al-Shabaab u soo direen magaalada Muqdisho si uu falal arga­gixiso uga fuli­yo, kadib markii Sirdoonka Qaranku uu horey ugu guuleystay in uu soo afjaro Shabakadihii kooxda Al-Shabaab ee qaabil­saneyd dilalka iyo qaraxyada.

Warsaxaafadeedka NISA ayaa lagu gabagabeeyay in ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad­sugidda Qaranka ee NISA ay xoojiyeen howlgallada lagu cirib-tirayo haraadiga Horjoogeyaasha iyo Maleeshiy­aadka kooxda ee wali isku dayaya in ay maleegaan falalka argagixiso ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

Most Popular