Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shalay oo khamiis aheyd gacanta ku dhigay ilaa 2,000 (laba kun) oo gantaallo gacan ku sameys ah. Ciidamadda ayaa sheegay in kooxda Daacish ay doonaysay in gantaalahaan ay ku dhibaateeyaan shacabka iyo ciidamada maamulkaas oo howlgallo kooxdan lagu ciribtiraayo ka wada buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay inay qabsadaan Warshado macmal ah oo xubnaha kooxdan Daacish ay ku sameynayeen gantaallada gacan ku sameyska ah ee ciidamada ay ugu dambeyn gacanta ku dhigeen.
Ciidamada ayaa shalay u daatay saldhig muhiim u ahaa Daacish, waxaana sidoo kale halkaas lagu diyaarin jiray qaraxyada sida ciidamada ay sheegeen, iyadoo la yaab badan ay dhalisay halista halkaas ay kooxdan ku diyaarineysay ee laga hor tegay.
Guulo waaweyn ayaa saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay laga gaaray howlgalka ciribtirka Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Kooxda Daacish ayaa isaga carareysa saldhigyadooda ugu muhiimsan markii ay soo gaaraan ciidamada Puntland, taasi oo suurta-gelisay in gacanta lagu dhigo warshadihii ay qaraxyada iyo gantaallada ku sameysa jireen.
Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa howlgaladdii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen waxay sidoo kale ku qabsadeen Ceelka Dharinta oo kamid ah goobaha ay u soo baxsadeen firxadkii dagaallamayaasha Daacish ee ku soo jabay togga Jeceel.
Af-hayeenka Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland Jeneraal Maxamuud Faadhigo oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa yiri, “Ciidamada Daraawiishta Puntland oo si qorshaysan u soo dhaqaaqay ayaa gacanta ku dhigay Ceelka Dharin oo saacadihii u danbeeyay lagu sheegay firxadka Argagixisada oo baxsad ah kuwaasi oo isku dayay in ay gabbaad ka dhigtaaan goobtaasi ceelka leh balse laga hortagay.”




