Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaSheekh Mustafa: Faylasha Jeffrey Epstein waxaa ka dambeeya Yuhuudda

Sheekh Mustafa: Faylasha Jeffrey Epstein waxaa ka dambeeya Yuhuudda

Febraayo 8, 2026 – Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun ayaa ka hadlay faylasha la xiriira Jeffrey Epstein oo dhowaan la soo bandhigay, isaga oo sheegay in xumaantaas ay ka dambeyso Yuhuudda oo muddo dheer waday, sida uu hadalka u dhigay.

Sheekha ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay dhagar ay wadeen Yuhuudda, isaga oo sheegay in arrintaasi ay horseedday in madax xilal haya, ganacsato, iyo aqoonyahanno ay ku lug yeeshaan falal ka dhan ah carruurta. Waxa uu sidoo kale xusay in falalkaas ay weli socdaan.

“Faylasha xun ee dunida laga gudbiyay waxaa ka dambeeya Yuhuudda. In ka badan 6 milyan oo fayl ayaa la uruurinayay muddo 30 sano ah. Madaxdii, tukaartii iyo aqoonyahannadii ayaa tagey jasiiraddaas, carruur la qabsanayay ayaana la arkayay, balse cid wax ka qabata ma jirin,” ayuu yiri Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun.

Sidoo kale, Sheekh Mustafa ayaa sheegay in colaadaha iyo fasahaadka ka jira dunida ay qeyb ka yihiin qorshe uu ku eedeeyay Yuhuudda, isaga oo intaas ku daray in ujeedadu tahay faafinta xumaanta iyo ka ganacsiga hubka iyo diyaaradaha.

Hadalladan ayaa yimid kaddib markii si ballaaran loo faafiyay faylasha la xiriira Jeffrey Epstein, kuwaas oo mar kale soo nooleeyay dood ku saabsan shabakado caalami ah iyo falal la xiriira xadgudubyo.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular