Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay waxa uu isku shaandheen kooban ku sameeyay Golahiisa wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya waxaana ay sameeysay ilaa sedex wasiir oo kaliya ah.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa warbaahinta u akhriyay isku shaandheenta kooban ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha uu sameeyay, waxaana ay saameyn ku yeelatay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad iyo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo midka Gaashaandhigga.
Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa laga dhigay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka labaad, waxaana uu badelayaa Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay oo isaguna loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa noqday Wasiirka Gaashaandhigga, waxaana uu badelay Jibril Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo muddo kooban ahaa wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa siweyn waxaa loo hadal haayay inay jiri doonaan isbadelo isku shaandheen dhinaca Golaha wasiirada iyo laamaha amaanka Soomaaliya inkasto hadda aysan jirin wax isbadal ah oo lagu sameeyay talisyada kala duwan ee ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Hadaba side looga falceliyay in Fiqi loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Macawislyeda Beesha Xawaadle ayaa daaal dag ku soo dhaweeyay Magacaabista Ahmed Moalim Fiqi iyagoo aaminsan inuu yahay nin dagaal oo wax badan ka badali doono xaalada dalka ee haatan.
Muqaalo baraha bulshada lagu faafiyay oo laga soo duubay Macawisleeyda iyo guud ahaan dadka reer Hiiraan ee dagaalka Al-Shabaab sida weyn ugu jira ayaa muujinaya iyagoo damaashaadayo soona dhaweynaayo magacaabista Fiqi oo noqonaya Wasiirkii 3-aad ee mudo bil gudaheeda ah Wasaraadaas maamulkeeda qabta.
Is badalo badan oo dhanka amiga ah ayaa maalmihii u damebysay la saadaalinayay in Dowlada ay ku sameyn doonto dhanka hey’adaha amniga inkastoo aan wali isbadaladaas la sameynin.