Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu shaaciyay in ciidanka gaarka ah ee Gaashaan howlgal qorsheysanaa Xalay ku dileen Horjooge sare oo Al-shabaab u qaabilsanaa qorsheynta weerarada Hoobiyeyaasha ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo sanadkii 2023.
Howlgalka lagu dilay horjoogahaan oo aysan magaciisa shaacin NISA ayaa ka dhacay deegaanka Sabiid ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana la tilmaamay in lala dilay horjoogahaan dhamaan ciidankii ilaalada u ahaa.
“Ciidanka NISA oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa Horjoogahan ayaa Howlgalka fuliyay, kadib markii la hubiyay xogta ku saabsan Horjoogaha, iyada oo la xaqiijiyay in isla goobta lagu khaarijiyay dhammaan Maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka NISA.
Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka NISA lagu sheegay in ilaa lix howlgal oo duqeyn ahaa oo ay ka fulisay deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan Shalay ilaa Xalay in lagu dilay 46 xubnood oo isugu jiray Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsana kooxda Al-shabaab.
Howlgaladaan ay fuliyeen ciidanka NISA ayaa kusoo aadaya, iyadoo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe uu ku sugan yahay labadii maalmood ee lasoo dhaafay furimaha hore deegaanada howlgalladu ay ka socdaan ee gobolka Hiiraan.
