Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaSomaliland oo diidday go’aanka DFS ee lagu baabi’iyey heshiisyada Imaaraadka Carabta

Somaliland oo diidday go’aanka DFS ee lagu baabi’iyey heshiisyada Imaaraadka Carabta

HARGEYSA — Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diidday go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay in lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii iskaashi ee lala galay Imaaraadka Carabta, oo ay ku jiraan heshiisyada la xiriira Dekedda Berbera.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax awood sharci, maamul ama mid dastuuri ah ku lahayn heshiisyada ka hirgalay Berbera. Somaliland waxay carrabka ku adkaysay in Dekedda Berbera ay ku taallo dhul ay si buuxda u maamusho, isla markaana aanay DFS wax saameyn ah ku lahayn go’aannada la xiriira maamulka dekedda iyo heshiisyada lala galay dalal ama hay’ado shisheeye.

Somaliland ayaa intaas ku dartay in DFS aysan dhinac ka ahayn, mana aha damaanad-qaade heshiisyada ay Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta, taasoo ka dhigaysa, sida ay sheegtay, inaysan jirin awood sharci oo ay ku joojin karto, ku beddeli karto ama ku faragelin karto heshiisyadaas. Waxay xustay in heshiisyada lala galay Imaaraadka ay yihiin kuwo sharci ah, ansax ah, isla markaana ay oggolaadeen hay’adaha dastuuri ah ee Somaliland.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, oo ay ku jirto hawlgalka dekedda ee ay maamusho DP World, uu diiradda saarayo horumarinta ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa tallaabada DFS ku tilmaamay mid aan fulin ka yeelan doonin Berbera, iyagoo ku adkeystay in Somaliland ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay saaxiibbadeeda caalamiga ah. Somaliland ayaa ugu dambayn uga mahadcelisay Imaaraadka Carabta doorka ay ka qaateen horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo taageerada xasilloonida gobolka, iyadoo mar kale ku celisay mowqifkeeda ah in faragelin kasta oo ka timaadda Muqdisho aysan wax sharciyad ah ku lahayn dhulkeeda.

RELATED ARTICLES

Most Popular