Somaliland ayaa mar kale si adag uga hadashay safarka la filayo in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu ku gaaro magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxayna ugu hanjabtay dil.
Qaar ka mid ah xildhibaannada Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka digay booqashada ra’iisul wasaaraha, waxayna tilmaameen in Laascaanood ay ka mid tahay Somaliland, isla markaana aanu tegi karin magaaladaas oo hadda xarun u ah maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Shaadh oo ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku goodiyay inay ka hortegayaan safarkaasi, ayna qaadayaan tallaabo ka dhan ah Xamza, haddii uu tego magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay inay xabad ka soo horreyso.
“Ha moodin Xamze inuu iska imaanayo meesha, sidee ayuu u imaan karaa Somaliland? Xabad baa ka soo horreyso, waana la buufin doonaa,” ayuu yiri Xildhibaan Shaadh.
Dhankiisa Cabdi Timajilic oo ka mid ah Baarlamaanka Somaliland ayaa diray hanjabaad tan la mid ah, wuxuuna sheegay in diyaarad sida ra’iisul wasaaraha Soomaaliya aanay soo caga dhigan karin Laascaanood, ayna gubayaan, haddii ay timaaddo sida uu hadalka u dhigay.
“Haddii Xamza yimaaddo Laascaanood, Somaliland waxa la gudboon in diyaaraddiisu ay samada ku olosho, hub iyo ciidan baanu leenahay.” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Timajilic.
Horay Somaliland ayaa u sheegtay in Xamza Cabdi Barre uu ka qoomameyn doono haddii uu tego Laascaanood oo ay weli ka taagan tahay xiisad dagaal oo xooggan.
“Waxaan uga digayaa ninka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku magacaaban inuu ka qoomamayn doono hagardaamada iyo mashruuca dagaal ee uu mar labaad u soo wado shacabka gobollada Sool iyo Sanaag,” ayuu horay u yiri Axmed Faarax oo ah guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay ra’iisul wasaare Xamza uu xaqiijiyay inuu tegayo Laascaanood, wuxuuna sheegay in booqashadiisa aan lagu cadaadinaynin maamul gaar ah ee ay daaran tahay xoojinta xiriirka dowladda iyo SSC-Khaatumo.
Si kastaba, socdaalkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda federaalka ee ku aaddan taageerada maamulkaasi iyo horumarinta gobollada SSC.
Magaalada Laascaanood ee uu haatan tegayo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa horay uga dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay maamullada Somaliland iyo SSC-Khaatumo, kuwaas oo ay dad badan ku geeriyoodeen, welina xiisadda labada maamul ayaa ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.