Hargeysa — Somaliland ayaa si cad oo adag u beenisay warar ka soo yeedhay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegayay in Somaliland oggolaatay in dhulkeeda lagu dejiyo qaxooti Falastiiniyiin ah ama in saldhig ciidan laga dhiso, iyada oo taa beddelkeeda la siinayo aqoonsi caalami ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa Khamiistii, January 1, 2026, bayaan rasmi ah ku sheegtay in eedeymahaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana loogu talagalay in lagu marin-habaabiyo beesha caalamka laguna wiiqo horumarka diblomaasiyadeed ee Somaliland.
“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u beeninaysaa sheegashooyinka been-abuurka ah ee uu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo la xidhiidha dejinta Falastiiniyiin ama dhismaha saldhigyo ciidan oo laga sameeyo Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.
Arrintan ayaa timid kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu wareysi siiyay telefishinka Al-Jazeera, isaga oo sheegay in Somaliland ay Israa’iil kula heshiisay saddex qodob oo ay ka mid yihiin in Falastiiniyiinta lagu dejiyo Somaliland, in saldhig militari laga dhiso Gacanka Cadmeed, iyo in Somaliland ku biirto heshiiska Abraham Accords.
Hase yeeshee, Somaliland waxay sheegtay in xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil uu yahay mid diblomaasiyadeed oo keliya, kuna dhisan ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo danaha madax-bannaan ee labada dhinac. Wasaaraddu waxay ku celisay in Somaliland ay ka go’an tahay xasiloonida gobolka, iskaashi caalami ah, iyo ilaalinta nabadda iyo is-ixtiraamka.
Tani ma aha markii ugu horreysay ee Somaliland loo jeediyo eedeymo la xidhiidha dejinta qaxooti Falastiiniyiin ah. Warar la mid ah ayaa marar hore la faafiyay, balse Somaliland ayaa si joogto ah u beenisay, iyada oo ku tilmaantay dacaayad siyaasadeed oo aan xaqiiqo ku dhisnayn.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalal badan oo ka tirsan beesha caalamka ayaa ka soo horjeestay aqoonsiga ay Israa’iil u muujisay Somaliland, halka Israa’iil ay tallaabadaas ku tilmaantay mid sharci ah. Arrintan ayaa weli ah mid dood iyo falcelin ka dhalisay gobolka iyo caalamkaba.

