Hargeysa — Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u beenisay warar ay baahisay warbaahinta Al Arabiya, kuwaas oo lagu sheegay in ciidamo shisheeye ama kooxo is haya ay ka jiraan gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Saylac.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in aanay jirin wax ciidan shisheeye ah oo ku sugan gobollada Awdal iyo Salal. Xukuumaddu waxay caddeysay in ciidanka keliya ee ka hawlgala deegaannadaasi ay yihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland, isla markaana gobolka Awdal si buuxda ugu jiro gacanta maamulka.
“Ma jiraan wax ciidan shisheeye ah oo ku sugan gobollada Awdal iyo Salal, mana jiraan wax ciidamo kale ah oo halkaas jooga marka laga reebo Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Somaliland ayaa warbixinta Al Arabiya ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana keeni karta marin-habaabin amni iyo kicin xiisado aan jirin. Mas’uuliyiinta ayaa warbaahinta caalamka ugu baaqay inay hubiyaan saxnaanta xogtooda ka hor inta aysan baahin warar ay sheegeen in ay saameyn ku yeelan karaan xasilloonida iyo nabadgelyada.
Dhanka kale, xukuumaddu waxay xustay in ay ciidamo u dirtay gobolka si ay uga shaqeeyaan kala dhex-galka beelaha deegaanka ee ay dhawaan colaado ku dhexmareen, iyadoo ku celisay in arrimahaasi yihiin kuwo gudaha ah oo aan wax xiriir ah la lahayn joogitaan ciidan shisheeye ama dagaal siyaasadeed oo dibadda ka imanaya.

