Muqdisho, Febraayo 9, 2026 – Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada tacliinta sare iyo cilmibaarista.
Heshiiskan oo lagu saxiixay magaalada Muqdisho ayaa ujeeddadiisu tahay in la dhiso hannaan rasmi ah oo fududeynaya is-weydaarsiga tacliimeed, cilmiyeed iyo khibradaha waxbarasho ee u dhexeeya jaamacadaha iyo hay’adaha tacliinta sare ee labada dal.
Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska waxaa ka mid ah is-weydaarsiga ardayda, macallimiinta jaamacadaha iyo cilmibaarayaasha, taageeridda tababarrada iyo barnaamijyada cilmibaarista ee muddada gaaban, abaabulka shirar, aqoon-is-weydaarsiyo iyo siminaarro wadajir ah, hirgelinta barnaamijyo shahaado-wadaag ah oo ay ku jiraan Bachelor, Master iyo PhD, iyo fududeynta deeqaha waxbarasho iyo aqoonsiga shahaadooyinka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay ilaalinta xuquuqda hantida aqooneed ee ka dhalata cilmibaarista wadajirka ah, iyagoo raacaya shuruucda qaran iyo heshiisyada caalamiga ah.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay in heshiiskani uu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, isla markaana uu kor u qaadayo tayada waxbarashada sare iyo horumarinta cilmibaarista dalka.
Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jabuuti, Mudane Nabiil Maxamed Axmed, ayaa tilmaamay in iskaashigan uu abuuri doono fursado ballaaran oo ay ka faa’iideysan doonaan ardayda iyo macallimiinta labada dal, isla markaana uu gacan ka geysan doono kobcinta aqoonta iyo horumarka guud ee gobolka.
Heshiiskan ayaa ka tarjumaya dadaallada joogtada ah ee labada dowladood ay ku xoojinayaan iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo horumarinta mustaqbalka jiilasha soo koraya.

