Ankara – Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa magaalada Ankara maanta si rasmi ah ula saxiixday shirkadda OYAK ee dalka Turkiga heshiis ku saabsan dhaqan-gelinta iskaashiga iyo horumarinta wax-soosaarka badda, kaas oo lagu ilaalinayo laguna horumarinayo khayraadka badda Soomaaliyeed.
Munaasabadda saxiixa oo ka dhacday xarunta shirkadda OYAK ayaa waxaa wasiirka ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, taasoo muujinaysa heerka sare ee xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Heshiiskan, oo horey ay isugu afgarteen Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa diiradda saaraya maalgashi toos ah oo lagu sameeyo kaabeyaasha dhaqaalaha buluugga ah, kor u qaadista wax-soosaarka kalluunka si uu u gaaro suuqyada caalamiga ah, dhisidda warshado kalluumeysi iyo horumarinta xirfadaha kalluumaysatada Soomaaliyeed.
Saxiixa heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Cabdi Diirshe. Heshiisku waxa uu mudnaan gaar ah siinayaa la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah, ilaalinta khayraadka badda, iyo abuurista kumannaan fursado shaqo oo si gaar ah u taaban doona dhalinyarada iyo bulshooyinka ku nool deegaannada xeebaha.
Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa bogaadiyay dowladda Turkiga iyo shirkadda OYAK sida ay u muujiyeen kalsoonida ay ku qabaan xasilloonida iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, isagoo xusay in heshiiskan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo kobaca dhaqaalaha dalka. Dhankooda, mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradaha Gaashaandhigga, Arrimaha Dibedda, Beeraha iyo Kaymaha ee Turkiga iyo hoggaanka OYAK ayaa heshiiska ku tilmaamay mid istaraatiiji ah oo sii adkaynaya xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, isla markaana dardargelinaya mashaariic horumarineed oo waaweyn.

