Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaSoomaaliya iyo Ukraine oo ku heshiiyay in dib loosoo celiyo xiriirkoodii diblumaasiyadeed

Soomaaliya iyo Ukraine oo ku heshiiyay in dib loosoo celiyo xiriirkoodii diblumaasiyadeed

Labada dhinac ayaa kala saxiixday heshiis hab-maamuus ah oo looga gol leeyahay in dib loo soo celiyo xiriirkii labada dal, iyadoo Soomaaliya ay xaqiijisay inay taageerto xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka Ukraine.

Soomaaliya iyo Ukraine ayaa si rasmi ah ugu heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii diblumaasiyadeed, kadib kulan ay shalay wada qaateen wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ukraine Andrii Sybiha iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar.

Labada dhinac ayaa kala saxiixday heshiis hab-maamuus ah oo looga gol leeyahay in dib loo soo celiyo xiriirkii labada dal, iyadoo Soomaaliya ay xaqiijisay inay taageerto xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka Ukraine.

Iyadoo Soomaaliya ay sidoo kale xiriir la leedahay Ruushka, ayaa dadka wax falanqeeya waxay sheegayaan in waddanku uu sii wado inuu si taxaddar leh u dheellitiro siyaasadda arrimaha dibadda, gaar ahaan quwadaha caalamka ee haysta awoodda diidmada qayaxan ee QM.

Dadka wax indha indheeya ayaa is weydiinaya xilliga ay soo celineyso xiriirka kala dhexeeya Ukraine oo weli dagaal kula jirta Ruushka, halka kuwo kalena ay ku doodayaan in Soomaaliya ay waddo inay xiriir wanaagsan la yeelato dhammaan quwadaha waaweyn, iyada oo ka hormarineysa danaheeda qaranka marka loo eego la safashada dibadda.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular