Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis isfaham (MoU) la saxiixatay gobolka West Virginia ee dalka Mareykanka, kaas oo ku saabsan iskaashi dhinacyada sahminta, soo saarista, farsamaynta iyo horumarinta macdanta muhiimka ah.
Heshiiska ayaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay wasiirka batroolka iyo kheyraadka macdanta, Daahir Shire Maxamed, halka dhinaca West Virginia uu u saxiixay xoghayaha Senate-ka gobolka, Kris Warner. Munaasabadda saxiixa ayaa ka dhacday aqalka Senate-ka ee West Virginia.
Goobta heshiiska waxaa sidoo kale ka qeyb galay wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac. Dhinaca gobolka West Virginia waxaa kulanka ka qeyb galay xubno ka tirsan Senate-ka gobolka, oo uu ku jiro madaxweynaha Senate-ka isla markaana ah ku xigeenka guddoomiyaha gobolka, Randy Smith.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda, heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in la dhiso qaab iskaashi oo kor u qaada maalgashiga, is-weydaarsiga aqoonta farsamada iyo horumarinta silsiladda qiimaha ee macdanta Soomaaliya.
Iskaashigan ayaa diiradda saaraya sahminta iyo soo saarista macdanta muhiimka ah, horumarinta farsamaynta macdanta si loo kordhiyo qiimaha gudaha, iyo is-dhaafsiga khibradaha farsamo. Waxa kale oo heshiisku dhiirrigelinayaa in shirkadaha Mareykanka ay sahamiyaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada sahminta, soo saarista iyo farsamaynta macdanta.
Senate-ka gobolka West Virginia ayaa sidoo kale soo saaray qaraar rasmi ah oo taageeraya iskaashiga labada dhinac, taas oo muujinaysa muhiimadda istaraatiijiga ah ee xiriirka dhaqaale iyo farsamo ee u dhexeeya labada dhinac.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskan ku tilmaantay tallaabo ka mid ah dadaallada lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka si hufan, loona soo jiito maalgashi caalami ah, iyadoo la doonayo in horumarinta macdantu ay ka qeyb qaadato kobaca dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo.

