Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaSoomaaliya oo jawaab adag ka bixisay qorshaha dadka Gaza loogu soo daabulayo...

Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay qorshaha dadka Gaza loogu soo daabulayo Dalka

Mas’uuliyiinta Suudaan ayaa si cad u diiday dalabka Mareykanka, halka madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ay sheegeen inaysan wax wada-xiriir ah arrintan la xiriira ka helin Mareykanka ama Israa’iil, sida ay AP ku warrantay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa Jimcihii shaaca ka qaaday inaysan wax codsi ah ka helin Mareykanka ama Israa’iil oo la xiriira qorshaha dib u dajinta Falastiiniyiinta laga barakicinayo Gaza, iyadoo Muqdisho ay si cad u diiday suurtagalnimada tallaabo noocaas ah.

Wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ayaa werisay in saraakiil Mareykan iyo Israa’iili ah ay la xiriireen mas’uuliyiin ka kala socda Suudaan, Soomaaliya, iyo Somaliland si ay ugala hadlaan suurta-galnimada in dhulkooda loo adeegsado dib u dajinta Falastiiniyiinta ka soo qaxay dagaalka Qaza.

Mas’uuliyiinta Suudaan ayaa si cad u diiday dalabka Mareykanka, halka madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ay sheegeen inaysan wax wada-xiriir ah arrintan la xiriira ka helin Mareykanka ama Israa’iil, sida ay AP ku warrantay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xusay in dalkiisu si aan shuruud lahayn u diidayo “wax kasta oo hindise ama qorshe ah oo ka yimaada dhinac kasta, kaasoo wax u dhimaya xuquuqda shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool dhulkooda hooyo.”

Fiqi, oo la hadlay Reuters, ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya aysan helin wax codsi ah oo la xiriira arrintan, isagoo xusay in Muqdisho ay si adag uga soo horjeeddo qorshe kasta oo dhul Soomaaliyeed loogu adeegsado dib u dajinta dadka kale.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa Reuters u sheegay: “Ma jiro wax wadahadal ah oo aan la leenahay cidna oo ku saabsan Falastiiniyiinta.”

RELATED ARTICLES

Most Popular