Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaSoomaaliya oo meesha ka saartay in ay xiriir la leedahay Israa’iil

Soomaaliya oo meesha ka saartay in ay xiriir la leedahay Israa’iil

MUQDISHO – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khamiistii si cad oo adag u beenisay hadal kasoo yeeray Israa’iil, gaar ahaan Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sharren Haskel, oo ku dooday in uu jiro “xiriir gaar ah” oo ka dhaxeeya Muqdisho iyo Tel Aviv.

Sharren Haskel, oo wareysi siisay telefishinka i24NEWS, ayaa sheegtay in labada dhinac uu ka dhexeeyo isfaham amni oo la xiriira ka hortagga Xuutiyiinta Yemen, arrin ay DFS ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Cali Balcad), ayaa sheegay in hadalkaasi yahay “been abuur iyo marin habaabin”. Wuxuu caddeeyay inaanay jirin wax xiriir diblomaasiyadeed — toos ama dadban — oo Soomaaliya ka dhaxeeya Israa’iil, isla markaana aysan suurtagal noqon karin in Soomaaliya ay xiriir la yeelato dowlad ku lug leh, sida uu sheegay, gumaad iyo jabinta sharciga caalamiga ah.

Cali Balcad ayaa sidoo kale xusay in mowqifka Soomaaliya uusan isbeddelin, isla markaana uu weligiis ahaa garab istaag shacabka Falastiin. Wuxuu ku adkeystay inaan la aqbali karin war kasta oo lagu doonayo in lagu abuuro xiriir siyaasadeed oo aan jirin.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku celisay inay mar walba difaacayso maslaxadda qaranka, madaxbannaanida siyaasadeed, iyo mabaadi’da aragtida mideysan ee ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan taageerada Falastiin.

Soomaaliya iyo Israa’iil weligood xiriir diblomaasiyadeed iskuma aysan yeelan, waxaana Soomaaliya ka mid tahay dalalka Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay ee si joogto ah uga hor yimaada siyaasadaha Israa’iil ee dhulka Falastiin.

Beenta ay DFS ku tilmaantay hadalka Sharren Haskel ayaa timid xilli warbaahin Israa’iili ah ay maalmahii dambe baahinayeen sheegashooyin ku saabsan wada-hadallo ay Tel Aviv la leedahay dalal Afrikaan ah, Soomaaliya oo kamid ah. Dowladda Soomaaliya ayaa arrintaas meel adag ka istaagtay, iyadoo caddeysay inay tahay warar aan waxba ka jirin.

RELATED ARTICLES

Most Popular