Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaSoomaaliya oo Soo Dhoweysay Dib-u-Soo-Laabashada Suudaan ee IGAD

Soomaaliya oo Soo Dhoweysay Dib-u-Soo-Laabashada Suudaan ee IGAD

Muqdisho, Febraayo 9, 2026, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay go’aanka Jamhuuriyadda Suudaan ay dib ugu billowday ka-qaybgalkeedii buuxa ee Urur-Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD).

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib-u-soo-laabashada Suudaan ay xoojinayso iskaashiga heer gobol, isla markaana door muhiim ah ka qaadanayso horumarinta wada-shaqaynta wax ku oolka ah, sugidda nabadda, iyo adkaynta amniga Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka.

Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Suudaan, iyadoo ku tilmaantay arrintaas tiir-dhexaad u ah wada-shaqayn goboleed oo miro dhal ah iyo dadaallada nabadeynta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay dadaallada diblomaasiyadeed ee ay hoggaaminaysay Jamhuuriyadda Jabuuti, gaar ahaan kaalinta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha Shir-Madaxeedka IGAD ee xilka haya, kuwaas oo door muuqda ka qaatay fududeynta dib-u-soo-laabashada guuleysatay ee Suudaan.

Dhankiisa, Urur-Goboleedka IGAD ayaa isna soo dhaweeyay ku soo biirista mar kale ee Suudaan, isagoo tallaabadan ku tilmaamay mid xoojinaysa midnimada ururka iyo awooddiisa wax ka qabashada arrimaha mudnaanta u leh wadajirka gobolka.

Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in soo noqoshada Suudaan ay dib u xaqiijinayso isku-duubnida dalalka gobolka iyo ballanqaadka wadajirka ah ee ku aaddan nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga.

IGAD ayaa sidoo kale muujisay diyaar garowgeeda ku aaddan la-shaqaynta Dowladda Suudaan si loo taageero xal nabadeed oo waara, loona xaqiijiyo mustaqbal ammaan iyo barwaaqo leh oo u dan ah shacabka Suudaan iyo guud ahaan gobolka.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular