NEW YORK — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageertay qaraar cusub oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ah, kaas oo lagu xoojinayo dadaallada caalamiga ah ee lagu sugayo amniga Badda Cas, oo ah marin-badeed istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga adduunka iyo dhoofinta tamarta.
Qaraarka, oo tirsigiisu yahay 2812, ayaa diiradda saaraya khataraha sii kordhaya ee wajahaya maraakiibta ganacsiga, sahayda caalamiga ah iyo amniga tamarta, xilli ay bateen falalka khalkhal gelinaya isu-socodka badeecadaha caalamiga ah. Badda Cas ayaa ah marin isku xira qaarado kala duwan, waxaana maalin kasta adeegsada boqolaal maraakiib ah oo sida shidaal iyo badeecooyin ganacsi.
Intii ay socdeen doodaha Golaha Ammaanka, diblomaasiyiinta Soomaaliya ayaa adkeeyay in amni badeed oo waara aan la gaari karin haddii aan si buuxda loo ixtiraamin madax-bannaanida dowladaha ku teedsan Badda Cas, isla markaana aan wax laga qaban sababaha salka u ah colaadaha iyo qalalaasaha amni. Waxay sheegeen in xalalka ku-meel-gaarka ah aysan ku filnayn, loona baahan yahay hannaan waqti dheer ah oo wax looga qabanayo caqabadaha jira.
Soomaaliya ayaa sidoo kale carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu u hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah ee badaha, gaar ahaan kuwa quseeya badbaadada maraakiibta ganacsiga iyo xuquuqda dowladaha xeebaha leh. Waxay ka digtay in jebinta xeerarkan ay abuuri karto jawi amni-darro oo saameyn ku yeesha dalal badan, gaar ahaan kuwa nugul.
Qodob muhiim ah oo Soomaaliya ay soo bandhigtay ayaa ah in hoggaaminta dadaallada amniga Badda Cas ay hormuud ka noqdaan dalalka xeebaha ku leh baddan, maadaama ay yihiin kuwa sida tooska ah u saameeya xaaladaha amni ee ka jira aagga, isla markaana ugu aqoonta badan duruufaha dhabta ah ee deegaanka.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashi caalami ah oo ku dhisan isku-duwid, kalsooni iyo wadaagidda macluumaadka amniga, si wax looga qabto khataraha ay ka mid yihiin burcad-badeedda, argagixisada, tahriibinta sharci-darrada ah iyo dambiyada kale ee lidka ku ah amniga badaha.

