Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaTaliye Asad oo Hambalyo u Diray Booliiska Soomaaliyeed

Taliye Asad oo Hambalyo u Diray Booliiska Soomaaliyeed

Muqdisho, December 20, 2025 — Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa hambalyo ku aaddan sanad-guuradii 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed u diray dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka, oo ay ku jiraan saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleeyda, dableyda iyo qoysaskooda.

Taliyaha ayaa sheegay in munaasabaddan ay tahay maalin qiimo gaar ah u leh Booliiska Soomaaliyeed, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee ciidanku ka qaato sugidda amniga, ilaalinta sharciga iyo u adeegidda bulshada. Wuxuu ciidamada ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan waajibaadka qaran ee saaran, gaar ahaan xilligan kala guurka ah.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sidoo kale ka hadlay waxqabadka Booliiska inta lagu jiro sanadka 2025, isagoo sheegay in ciidanku gaareen guulo la taaban karo oo dhinaca amniga ah, gaar ahaan amniga magaalada Muqdisho. Wuxuu tilmaamay in horumar laga sameeyay dhismaha talisyada iyo xarumaha Booliiska, tababarrada ciidamada, qalabaynta iyo diyaar-garowga amni ee doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, oo lagu wado inay dhacdo 25-ka bishan.

Taliyaha Booliiska ayaa intaas ku daray in qorshe howleed dhammeystiran loo diyaariyay sanadka 2026, kaas oo diiradda saaraya tayeynta, tabarta iyo xirfadda ciidanka, iyo sidoo kale ballaarinta adeegyada ay Booliisku u hayaan bulshada. Ugu dambeyn, wuxuu ballanqaaday in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay si buuxda u gudan doonaan waajibaadkooda ku aaddan sugidda amniga iyo nidaamka inta ay socoto doorashada dadweynaha ee ka dhici doonta caasimadda.

RELATED ARTICLES

Most Popular