Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay Gaashaanle sare Nuur Maxamed Gaabow oo loo yaqaanay Nuur Farey (Taliyihii Guutada 14 ka October) kadib markii rasaas xoogan uu kala kulmay ruux xirnaa dareeska ciidamada Dowladda.
Taliyaha waxaa uu ku sugnaa degaanka Cadow Dibille oo u dhaxeeyaa Degmada Afgooye iyo Laanta Buure ee Gobolka Shabeelaha Hoose markii uu rasaasta ku dhaceysay waxaa uu kasoo baxayay goob guri ah waxaana u uku geeriyooday isla goobta.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ninka gaystay falkan isna goobta lagu dilay, waxaana dhacdadan ka dhashay hadal-heyn xoogan.
Ma cadda sababta uu askariga u dilay taliyaha, waxaana haatan socda baaritaanno ay wadaan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Alle ha u naxariistee Taliye Nuur Farey ayaa ahaa sarkaal dhalinyaro ah oo firfircoon, isla markaana tababaro kala duwan ku soo qaatay dalka dibadiisa, gaar ahaan Talyaaniga.
Sidoo kale, waa sarkaal xoreeyay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana haatan uu ka howlgalayay aagga Awdheegle, Afgooye, Sabiid iyo Canoole oo dhowaan ay weeraro kusoo qaadeen maleeshiyaadka kooxda Shabaab.
Dhanka kale, dilka loo gaystay taliyaha ayaa waa ku geedaaman su’aallo la’is waydiinayo oo la xiriira sababta ka dambeysa toogashada lagu dilay iyo waxa uu ahaa askariga ka dambeeyay, iyada oo jawaabta looga fadhiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Dhacdadan ayaa sidoo kale kusoo aaday, xilli haatan ay dhaq-dhaqaaqyo ka socdaan aagga degmada Afgooye, kuwaas oo la doonayo in looga hortago duulaanka Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose oo dhowaan uun la wareegay degmada Awdheegle iyo deegaanno kale.