MUQDISHO — Tirinta codadka doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah uga bilaabatay Jimcihii, December 26, 2025, xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEBC), kaddib markii ay si nabad ah u soo gabagabowday codbixintii ka dhacday caasimadda Khamiistii.
Shacabka ku nool degmooyinka Muqdisho ayaa si ballaaran uga qeyb qaatay doorashada, iyagoo doortay wakiilladooda golayaasha deegaanka, taas oo noqotay doorashadii tooska ahayd ee ugu horreysay ee ka dhacda caasimadda muddo ku dhow 60 sano.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in codbixintu ay bilaabatay 6:00 subaxnimo isla markaana ay xirmatay 6:00 fiidnimo, iyadoo u dhacday si degan oo nidaamsan, isla markaana aan la diiwaangelin wax dhacdooyin amni oo waaweyn.
Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay in tirinta codadka ay si rasmi ah u bilaabatay, isagoo xusay in habraaca tirintu uu noqon doono mid hufan oo daah-furan, isla markaana ay goob joog ka noqon doonaan wakiillo ka socda ururrada siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo kormeerayaal caalami ah.
Guddoomiyuhu wuxuu bogaadiyay ka qeybgalka ballaaran ee shacabka, isagoo ku tilmaamay mid muujinaya rabitaanka muwaadiniinta Muqdisho ee ku aaddan ka qeybgalka hanaanka dimuqraadiyadda, kaddib tobannaan sano oo aysan jirin doorashooyin toos ah oo caasimadda ka dhaca.
Sidoo kale, wuxuu ammaanay ciidamada ammaanka, shaqaalaha doorashada iyo warbaahinta, kuwaas oo uu sheegay in doorkooda uu horseeday in doorashadu ku dhacdo si nabad ah, isla markaana ay dadweynuhu u gutaan xuquuqdooda dastuuriga ah.
Mas’uuliyiinta doorashada ayaa sheegay in ku dhawaaqista natiijooyinka ay qaadan karto waqti kooban, maadaama sanaadiiqda codbixinta laga keenayo degmooyin kala duwan, balse ay ballanqaadeen in si joogto ah loola wadaagi doono dadweynaha xogta la xiriirta natiijooyinka.
Doorashadan ka dhacday Muqdisho ayaa si weyn loogu tilmaamay astaan taariikhi ah oo u gogol xaaraysa mustaqbalka doorashooyin toos ah oo dalka oo dhan ka hirgala.

