Washington — Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bilaabay dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo adeegga diblomaasiyadda Mareykanka, kaddib markii xilalka laga qaaday kuna dhowaad 30 diblomaasi oo sare, oo ay ku jiraan safiirro ka howlgala dalal kala duwan, islamarkaana uu ka mid yahay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.
Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, madaxda safaaradaha ee ugu yaraan 29 dal ayaa toddobaadkii hore lagu wargeliyay in xilalkooda ay si rasmi ah u dhammaanayaan bisha Janaayo 2026. Dhammaan safiirrada la saameeyay ayaa xilalka la wareegay xilligii madaxweynihii hore Joe Biden.
Qaaradda Afrika ayaa noqotay tan ugu saameynta badan tallaabadan, iyadoo xilalka laga qaaday safiirro ka joogay ugu yaraan 13 dal, oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Nigeria, Niger, Rwanda, Senegal, Uganda, iyo dalal kale. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalka Madaxweyne Trump uu ku doonayo in siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka lagu waafajiyo ajendaha uu ugu magac daray “America First.”
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa difaacday go’aanka, iyadoo sheegtay in safiirku yahay wakiil gaar ah oo madaxweynaha matala, isla markaana uu madaxweynuhu xaq sharci ah u leeyahay inuu doorto diblomaasiyiin si buuxda ula jaanqaadaya aragtidiisa siyaasadeed iyo mudnaantiisa dibadda.
Saraakiisha ayaa sidoo kale caddeeyay in safiirrada xilalka laga qaaday aysan luminayn shaqadooda guud ee diblomaasiyadeed, balse loo oggolaaday inay ku laabtaan Washington si ay u qabtaan xilal kale, haddii ay doortaan.
Si kastaba ha ahaatee, go’aankan ayaa walaac ka dhaliyay qaar ka mid ah xildhibaannada Mareykanka iyo ururrada matala diblomaasiyiinta xirfadlayaasha ah, kuwaas oo ka digay in isbeddellada degdegga ah ay saameyn ku yeelan karaan xiriirka Mareykanka iyo dalalka ay khuseyso, gaar ahaan xilli ay dunidu wajahayso xaalado amni iyo siyaasadeed oo xasaasi ah.
Tallaabadan ayaa muujinaysa dadaal ballaaran oo uu Madaxweyne Trump ku doonayo inuu dib ugu qaabeeyo hoggaanka iyo jihada diblomaasiyadda Mareykanka, iyadoo saameynteeda ay si gaar ah u taabaneyso dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

