Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaTurkiga oo Qalab Casri ah ku Taageeray Ciidanka Booliska Gaarka ah ee...

Turkiga oo Qalab Casri ah ku Taageeray Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad

MUQDISHO, 18 Febraayo 2026 – Dowladda Turkiga ayaa qalab ciidan ku wareejisay Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad, munaasabad ka dhacday xarunta cutubkaas ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa si rasmi ah uga kala wareegay qalabka Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Munaasabadda wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S Guuto Asad Cusman Cabdullahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Yuusuf Cali, iyo mas’uuliyiin kale.

Qalabkan la wareejiyay ayaa lagu tilmaamay mid casri ah oo sare u qaadaya awoodda howlgal, tababar iyo u diyaargarowga Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad. Cutubkan ayaa dhowaan soo dhameystay tababar sare oo lagu xoojinayay xirfadaha amni iyo la dagaallanka argagixisada.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, iyagoo xusay in qalabkan cusub uu door muhiim ah ka qaadan doono sugidda amniga, xasilloonida iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee dalka ka howlgala.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular