Saturday, June 14, 2025
spot_img
GurigaWararkaWadamada Carabta ee Bariga Dhexe maxeey ka dheheen weerarrada Israel ay ka...

Wadamada Carabta ee Bariga Dhexe maxeey ka dheheen weerarrada Israel ay ka geysatay Iran?

Israa’iil ayaa xalay weerarro culus ku qaaday xarumo milatari iyo kuwa nukliyeer oo ku yaalla Iran, arrintaas oo si weyn looga falceliyay dalalka Bariga Dhexe, kuwaasoo cambaareyn iyo digniino kasoo saaray Jimcaha maanta.

Dowladaha Mareykanka iyo Iran ayaa lagu waday inay Axadda ku yeeshaan wadahadallo dalka Cumaan ku saabsan barnaamijka hubka nukliyeerka ee Iran, sida ay sheegeen saraakiil labada dhinac iyo kuwo dhexdhexaadinaya oo reer Cumaan ah.

Dalka Cumaan ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay “khalad halis ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.” Cumaan waxay sheegtay in Israa’iil ay mas’uul ka tahay cawaaqibka ka dhalan kara falkani, waxayna beesha caalamka ugu baaqday inay si cad uga hortagto tallaabooyinkan “halista ah.”

Qadar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Iran, iyagoo ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Iran. Qadar waxay sheegtay in weerarku yahay qayb ka mid ah siyaasad joogto ah oo Israa’iil u adeegsato xoojinta xiisadda iyo carqaladeynta xalalka diblumaasiyadeed.

UAE waxay sheegtay in loo baahan yahay in la muujiyo “xakameyn iyo feejignaan badan” si aan loo sii ballaarin colaadda, iyadoo adkaysay in wadahadal iyo ixtiraamka qawaaniinta caalamiga ah ay yihiin dariiqa ugu wanaagsan ee lagu xallin karo xiisadaha jira.

Xuutiyiinta Yemen ee taageersan Iran ayaa weerarka ku tilmaamay “gardarro sharci darro ah” iyo “isku day hor leh oo cadowtinimo ah oo ay taageerayaan Mareykanka iyo xulafadiisa

Dowladda Turkiga ayaa dhankeeda ku dhaleeceysay weerarka “ereyo adag,” iyadoo sheegtay inuu yahay mid caddeynaya in Israa’iil aysan doonaynin xal diblumaasiyadeed. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarka Netanyahu uu yahay “dhiirrigelin dagaal oo halis ah” oo laga leeyahay ujeeddooyin degaanka lagu fowdeynayo.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay weerarka ku tilmaantay weerarro fool xun,” iyadoo ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu si degdeg ah u joojiyo gardarrada Israa’iil.

Ciidanka Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in boqolaal diyaaradood ay beegsadeen in ka badan 100 bartilmaameed oo ku yaalla Iran, oo ay ku jiraan xarumo nukliyeer iyo saldhigyo ay ku sugnaayeen saraakiil sare oo Iran ah. IDF waxay sheegtay inay dileen Taliyaha Guud ee Ciidanka Iran, Maxamed Baqeri, iyo Hoggaamiyaha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), Xuseen Salaami — oo ah laba ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa ee milatariga Iran.

Falcelintaasi ayaa imaaneysa xilli ay socdeen dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda gobolka, taasoo hadda wajahaysa caqabad weyn.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular