Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaWafdi Heer Sare oo ka Socda Sweden oo Muqdisho Soo Gaaray

Wafdi Heer Sare oo ka Socda Sweden oo Muqdisho Soo Gaaray

Muqdisho, December 15, 2025 — Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda ee Dowladda Sweden, Mr. Benjamin Dousa, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Soo dhaweynta oo ka dhacday qeybta VIP-da ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa intii ay socotay labada wasiir waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga labada dal, iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya. Waxay si gaar ah u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn miro dhal ah oo kor u qaadda danaha wadaagga ah ee Stockholm iyo Muqdisho.

Socdaalka Wasiirka Sweden oo qaadan doona laba cisho ayaa diiradda saaraya xoojinta xiriirka labada dowladood iyo sii amba-qaadidda heshiisyadii iskaashi ee horey u dhex maray Soomaaliya iyo Sweden. Inta uu dalka joogo, Mr. Benjamin Dousa ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo ganacsato Soomaaliyeed, si looga wada hadlo maalgelinta mashaariic horumarineed oo ay dowladda Soomaaliya danaynayso in la hirgeliyo.

Booqashadan ayaa kusoo beegmeysa xilli Sweden ay kordhisay xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee ay la leedahay Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay jireen dhaqdhaqaaqyo la xiriira arrimaha muhaajiriinta Soomaaliyeed ee dalka Sweden, kuwaas oo dowladda Sweden ay horay u shaacisay tirokoobkooda sanadihii u dambeeyay.

Socdaalka wafdiga Sweden ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, lana doonayo in lagu dhiirrigeliyo maalgashi iyo horumar dhaqaale oo waara oo ka hana qaada Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Most Popular