Islamabad — Wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa booqasho shaqo ku tegay Pakistan, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay caasimadda Islamabad.
Wafdiga ayaa intii ay joogaan Pakistan la filayaa inay kulamo la yeeshaan madaxda kala duwan ee dalkaas, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan. Qodobada diiradda la saarayo waxaa ka mid ah aqoonsiga qaranka iyo diiwaangelinta dadweynaha, arrimaha doorashooyinka, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo iskaashiga dhinacyada gargaarka.
Soo dhaweynta wafdiga waxaa ka qayb qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Pakistan iyo Safiirka Soomaaliya ee Pakistan, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan. Wafdiga wasiirka waxaa sidoo kale ka mid ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan; Maareeyaha Hay’adda NIRA, Cabdiwali Timacadde; Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin; iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Kaniif.
Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo mudnaan la siinayo horumarinta hay’adaha dowliga ah iyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga, doorashooyinka, iyo gargaarka bani’aadannimo.

