Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaWarbixin: Sidee looga falceliyay baaqii siyaasiyinta uu u diray Madaxweyne Xassan Sheekh?

Warbixin: Sidee looga falceliyay baaqii siyaasiyinta uu u diray Madaxweyne Xassan Sheekh?

Si kasta oo ay noqotaba lama oga talaabadda xigta ee ay qaadi doonto Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, xiliga ay madashan qabsoomi doonto iyo ajendayaasha rasmiga ah ee looga hadli doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii 29-ka March waxaa uu jeediyay Khudbad uu Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta Caalamka ugu hambalyeeynaayay munasabadda Ciidul Fidriga iyo dhamaadka bishii barakeysneed ee Ramadan.

Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud ayaa khudbadiisii Ciidda uga faaideystay inuu kaga hadlo dagaalka Al-Shabaab iyo heerka ay gaarsiisan tahay ka go’naashihiisa in laga guuleysto kooxdaas, waxaana ugu horrayn uu aad u amaanay ciidamada qaranka. Madaxweynaha ayaa caddeeyey in dowladda Soomaaliya ay ku kalsoontahay Ciidamada Qaranka. “Waan ku kalsoonahay in guushu dhowdahay, waxaana ugu baaqayaa ciidamadeenna joogtaynta jihaadka,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay mudnaanta koowaad ilaa saddexaad sii doonto ciidamada qaranka, tayeyntooda, qalabeyntooda, iyo horumarintooda: “Nin lagu seexdow ha seexan, ciidamadeenow dadkeenu idinkey idinku jiifaan.”

Xasan Sheekh ayaa khudbaddan ku caddeeyey in wax kasta ay uga muhiimsan tahay soo afjaridda kooxda Al-Shabaab, isagoo yiri: “Waxaa naga go’an wax kasta iyo qiimo kasta inaan u hurno sidii loo gaari lahaa dhammaadka cadowga umadda Soomaaliyeed, oo hadda rajadooda ay marayso meeshii ugu dambeysay.”

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in la soo dhaafay xilligii laga cabsan jiray kooxda Al-Shabaab oo uu sheegay inay tahay mid aan ‘dalka, dadka, iyo diinta midna u naxaynin’ isagoo shacabka u mahadceliyay, “waa ku mahadsan tihiin taageerada aad u heysaan, una muujiseen ciidamada qaranka,” ayuu yiri.

Waxaa uu intaas raaciyay “Umadda Soomaaliyeed waxay leedahay oo mar dhow qormi doonta taariikh loo diiwaan gelin doono waagii kooxdan la jebiyey. Qof kasta ha raadsado halkii uu taariikhdaas uga qormi lahaa. Waxa is haya waa xaqa iyo baadilka, waxaana guuleysanaya xaqa, sida Ilaahey noogu caddeeyey Qur’aankiisa.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii lagu jiray qeybaha dambe ee khudbadiisa Ciida waxaa uu gogol u fidiyay siyaasiyiinta iyo dadka aragtida duwan, isagoo ku booriyay in ay kaalin weyn ka qaataan dagaalka lagula jiro Alshbaab iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan nidaamka Federaalka.

“Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada si aragtidooda iyo dadaalkooda uu qeyb ugu noqdo dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimmo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah, kuna shaqeyso dastuurka iyo sharciyada inoo dagsan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa uga mahad celiyay hoggaamiyaasha siyaasadeed garashadooda ku aaddan midnimada dalka. Madaxweynuhu waxa uu xusay in aysan Alshabaab isku haynin afkaar siyaasadeed, balse la isku hayo jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo xor ah.

“Waxaan soo dhaweynaynaa garaadka wanaagsan ee lagu ilaalinayo midnimadeenna,” ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo adkeeyay “muhiimadda ay leedahay iskaashi ballaaran oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynuhu.

Gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xassan Sheekh oo mudo xileedkiisa rasmiga ah uu ka harsan yahay sanad iyo laba bilood waxaa ka falceiliyay Madaxda Maamul goboleedyadda Dalka iyo qaar ka mid ah Madaxdii hore ee Dowlada Federaalka iyo siyaasiyiin magac iyo miisaan ku leh siyaasadda Somalia, kuwaas oo si isku mid ah u soo dhaweeyay sheegayna inay tahay talaabo loo baahnaa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyay Dowlada Federaalka ayaa sheegay in uu aad ugu farxay baaqii ka soo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ku saabsanaa inuu gogol wadatashi ah u fidiyo siyaasiyiinta iyo dadka rayiga ka duwan.

Madoobe waxa uu xusay in wadahadalku yahay fursad dahabi ah oo lagu gorfeeyo xallinta caqabadaha hortaagan horumarka dalka oo uu sheegay siyaasadiisa inay tahay mid ah qori isku dhiib, waxaana uu sheegay in Jubaland ay diyaar u tahay wax waliba oo ummadda soomaaliyeed danaheeda ah inay ka shaqeyso.

“Siyaasadda Somalia waxaa ay ku dhisan tahay qori isku dhiib oo maanta halkan aan joogno ay ku soo gaartay, hal qof waxbo ma qaban karo, waxaa ay siyaasadda u baahan tahay wax loo mideysan yahay oo laga wada shaqeynaayo waxaa ay u baahan tahay in la isku yimaado oo la wada fariisto la isku tanaasulo, lagana wada shaqeeyo qori isku dhiibka sidii uu ku sii socon lahaa. Waan soo dhaweynayaa wax kasta oo baaq nabadeed ah, waan soo dhaqeynayaa in la wada hadlo sababtoo ah xaalada aan ku jirno ma ahan mid na anfaceyso,” ayuu yiri Madobe.

Khilaafka Ahmed Madobe iyo Dowlada Federaalka ayaa yimid ka dib markii la isku mari waayay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee bishii November 2024, shirkaas oo looga hadlayay arimaha doorashooyinka oo kala aragti duwaansho ay ka jirtay.

Madobe ayaa intaas ka dib Jubaland ka qabtay doorasho iyadoo markale isaga dib loo soo doortay inkastoo ilaa iyo haatan Dowlada Federaalka ah aysan si rasmi ah doorashadaas u aqbalin natiijadeeda, waxaana taasi badalkeeda ay sheegtay in Madobe yahay dambiile lana soo xiri doono.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagana qoraal ka soo saaray baaqii Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud isagoo sheegay inay tahay talaabo dhanka wanaagsan loo qaaday.

“Waxaan soo dhaweynayaa gogosha wadatashi ee Madaxweyne Hassan Sheekh Maxamuud ku baaqay, waa tallaabo hore loogu qaadayo in danta, dalka iyo diintaba ay masuuliyad naga wada saaran tahay kulligeen. Waxaan rajeynayaa in ay gogoshan ka soo baxdo natiijo dalka iyo dadka faa’iido u leh,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka uu soo saaray Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ugu baaqayaa Madaxda dowladda iyo saamileyda kale ee siyaasadda in fursaddaan looga faa’iideysto si daacadnimo leh, mar kastana Danta Guud laga hormariyo Danta Gaarka ah taas oo hore u marinaysa dhammeystirka geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya ee xilligan adag.”

Dhanka kale, Siyaasiyiinta mucaaradka ee kala ah; Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Raiisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal si wadajir ah u soo saaray iyagoo si wadajir ah u soo dhaweeyey gogosha wadatashi ee uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku tilmaamay “tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday.”

“Halista Argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena,” ayaa lagu yiri qoraalka siyaasiyiintan ka soo baxay.

Sadaxdan siyaasi oo miisaan culus ku leh siyaasi Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo saarayay mudooyinkan dambe warsaxaafadeedyo ay mowqif wadajir ah kaga muujinayaan xaaladaha taagan iyagoo inta badan dhaliilsanaa habmaamulka Dowlada uu hogaaminaayo Madaxweyne Xassan Sheikh Mohamud.

Dhankiisa, Madaxweyne hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo qoraal soo saaray isagoo ku tilmaamay gogoshii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud “tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee dalka.”

“Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalkeenna,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa sheegay in marar badan uu soo jeedinnay, in arrimaha masiiriga ah ee taabanaya aayaha dalka iyo nidaamka dowladnimada yihiin “masuuliyad wadareed u baahan wadatashi iyo wada-ogolaansho.”

“Sidaas awgeed waxaan adkaynaynaa in shirkan ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada ay khusayso heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhiirrigelinayo in uu ficil u beddelo baaqa, kana dhabeeyo gogosha uu fidiyey.

“Madaxweynuhu waa inuu abuuraa jawi siyaasadeed oo ku dhisan kalsooni, wadashaqeyn iyo ilaalinta dastuurka lagu doortay,” ayuu yiri Farmaajo.

Si kasta oo ay noqotaba lama oga talaabadda xigta ee ay qaadi doonto Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, xiliga ay madashan qabsoomi doonto iyo ajendayaasha rasmiga ah ee looga hadli doono.

RELATED ARTICLES

Most Popular