Muqdisho, February 12, 2026 – Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku caddeysay in habraaca sugidda amniga ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle uu si buuxda u shaqeynayo, islamarkaana uu khuseeyo cid kasta oo doonaysa inay gasho ama ka baxdo garoonka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in habraaca amniga uu dhigayo in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo laga soo galo albaabka Mariina Gate, isla markaana aan loo oggolayn in gudaha garoonka lala galo ciidamo hubeysan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, xalay ayaa qaar ka mid ah mas’uuliyiintii hore ee dalka ku xadgudbeen nidaamkaas, iyagoo gudaha garoonka la galay ciidamo tiro badan, isla markaana isticmaalay albaab aan loo asteeynin in habeenkii la isticmaalo. Wasaaraddu waxay tallaabadaas ku tilmaantay mid halis gelin karta amniga iyo badqabka garoonka, islamarkaana jebineysa habraaca rasmiga ah ee sugidda amniga.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa mar kale caddeysay in habraacyada amniga ay khuseeyaan dhammaan muwaadiniinta iyo mas’uuliyiinta, xil haya iyo kuwo horeba, ayna jirin cid laga reebayo fulinta nidaamka.
Dhanka kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in aanay jirin mas’uuliyiin hore oo loo diiday gelitaanka garoonka, balse ay jireen kuwo diiday inay u hoggaansamaan habraaca amniga ee u degsan garoonka.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Amniga Gudaha waxay ku boorisay dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan sharciyada iyo habraacyada amniga si loo xaqiijiyo badqabka guud ee garoonka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

