Wasiirka Wasaarada Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo ninka hadda ku matalo Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaliaya kursiga Hop 86 ee Maxamed Xaaji Axmed ayaa ku eedeysan inay faragalin toos ah kusameeyeen liiska xubnaha guddiga qaran ee tacliinta Sare ee Soomaaliya.
Liiskan waxaa horay loo shaaciyey in si hufan loogu tartamayo, nalse Wassiirka Waxbarashada iyo Xildhibaanka ayaa faragaliyay hanaankii daahfurnaanta iyagoo loolanka ka reebay Dr. Cumar Faaruuq Sheikh Cabdicasiis. Dr. Cumar waxaa uu ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya, waxaana uu aqoon aad u xeel dheer u leeyahay Arimaha Waxbarashada, isaga oo sameeyay cilmi baarisyo iyo qormooyin dhaxal gal ah. Aqoonyahankan waxaa ay isku beel yihiin Wasiirka Waxbarashada iyo Xildhibaan Maxamed Xaaji, balse qof kale oo ilma adeer hoose yihiin Wasiirka ayaa la xaqiijiyay in loo wado wado xubinnimada hogaaminta.
Dr. Cumar ayaa looga reebay tartanka maadaama laga baqayo in uu u tartamo guddoonka Guddiga, iyada oo madaxtooyada oo sii mareeyso wasiir Faarax ay booskaas u wadaan qof kale oo ay iyaga rabaan.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in horraantii bishii May uu Wasiir Faarax ku amray xubnaha guddiga kala xulaya in liiska xubnaha laga saaro Dr. Cumar Faaruq. Tani ayaa noqoneysa faragalin iyo musuq maasuq la mid ah kii lagu sameeyay guddiga xuquuqul insanka.