Sunday, June 15, 2025
spot_img
GurigaWararkaWasiirka cusub ee Gaashaandhiga Axmed Fiqi oo sheegay inuu dib u eegis...

Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga Axmed Fiqi oo sheegay inuu dib u eegis ku sameyn doono Dalacsiinta Ciidamada

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in Dowladdu ay dib u eegis ku sameyn doonto dalacsiinta saraakiisha ciidamada iyo askarta kuwaasi oo qaab qabiil ku helay.

Wasiir Fiqi ayaa xaqiijiyay in dhammaan dalacsiinta mustaqbalka loo sameyn doono Ciidamada Qaranka ay noqon doonaan kuwa ay Wasaaraddu u sameeyso si cadaalad ah oo ku saleysan mudnaan.

“Waxaan ka hortagi doonaa in tiro Xildhibaano ama Wasiiro ay u tagaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayna dalacsiin hab qabiil ay ugu soo qaadaan askari ka tirsan Ciidamada, waxaan sameeyn doonaa isbadal cid walba oo shaqada wasaaradda caqabad ku ah waan iska hor wareejin doonnaa” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga horeyna usoo noqday Wasiirka arrimaha gudaha iyo midka arrimaha dibadda Axmed Macalim Fiqi ayaa balan qaaday inuu sixi doono helida waqti fiican cunto tayo leh, Shidaal iyo loojistikada oo si wanaagsan ay meel waliba ku heli doonaan ciidanka.

Hadalkaan ayuu wasiir Fiqi ka sheegay maanta kadib xil wareejin uu wasiirkii hore Gaashaandhiga kala wareegayay xilka waxaana goob joog ahaa Ra’iisul waaaare kuxigeenka dalka Saalax Jaamac.

RELATED ARTICLES

Most Popular