Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaWasiirka Gaashaandhigga Jabuuti oo Muqdisho Soo Gaaray si uu uga Qayb galo...

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti oo Muqdisho Soo Gaaray si uu uga Qayb galo…

Muqdisho — Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. Soo dhaweynta wafdiga heer sare ah ee Jabuuti waxaa hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi.

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti iyo wafdigiisa ayaa Muqdisho u yimid ka-qaybgalka kalfadhiga 35-aad ee Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (EASF), shir muhiim ah oo ay martigelinayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shirka ayaa isu keenaya hoggaanka difaaca dalalka Bariga Afrika si ay uga wada hadlaan xaaladda amni ee gobolka, iskaashiga istiraatiijiyadeed, iyo xoojinta wada-shaqeynta dhinaca nabadgelyada.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saarayo qiimeynta guud ee amniga gobolka, wadaagista khibradaha, iyo mideynta aragtiyada ku aaddan qorshaha hawlgal ee EASF ee sanadka 2026. Imaatinka wafdiga Jabuuti ayaa muujinaya muhiimadda uu shirku u leeyahay dalalka xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan xoojinta amniga wadajirka ah.

Kalfadhigan wasiirrada ayaa ah gunaanadka kulamo taxane ah oo toddobaadkan ka socday Muqdisho, kuwaas oo ay horay u yeesheen khubaro farsamo iyo Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee dalalka xubnaha ka ah EASF. Soo dhaweynta wafdiga Jabuuti ee Garoonka Aadan Cadde ayaa sidoo kale ka tarjumaysa xiriirka walaaltinimo ee xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sida ay uga go’an tahay labada dal xoojinta nabadda iyo amniga gobolka Bariga Afrika.

RELATED ARTICLES

Most Popular