Friday, June 6, 2025
spot_img
GurigaWararkaWax ka ogoow awoodda diyaarado nooca qumaatiga u kaca ee T129 Atak...

Wax ka ogoow awoodda diyaarado nooca qumaatiga u kaca ee T129 Atak ee Turkiga ku taageeray Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa xoojisay taageerada dhanka difaaca ee ay Soomaaliya ka siiso dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab todobaadkan, kadib markii uu Sabtidii khadka telefoonka ay kuwada hadleen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Soomaaliya.

Ilo-wareedyo arrintan la socda ayaa Middle East Eye u sheegay in Ankara ay toddobaadkan dawladda Soomaaliya ku wareejisay saddex diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah ee T129 Atak si ay u dardargeliso dagaalkeedi ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.

Ankara ayaa sidoo kale isku mar ku wareejisay ciidamada badda Soomaaliya labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, taasoo qeyb ka ah heshiis dhanka difaaca ah oo ay kala saxiixdeen labada dowladood bishii February 2024-kii, kaas oo dhigaayay in xukuumadda Ankara ay Soomaaliya ka taageereyso tababarka iyo soo saarida ciidamo awood badan oo kuwa badda Soomaaliya.

Turkiga ayaa sanadkii la soo dhaafay waxa uu tababarayay dhowr duuliye oo Soomaali ah si ay ugu shaqeeyaan diyaaradaha helicopter-ka ee Atak, Diyaaradahan Helicopters-ka ah ee la keenay Muqdisho ayaa ka dambeeysay ka dib markii Duuliyayaashu ay dhameysteen heerkii ugu dambeeyay ee tababarka.

Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa sheegay in taageerada Turkiga ee Soomaaliya ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada ay sii socon doonto, lana sii ballaarin doono, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Turkiga.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular