Minneapolis – Xildhibaanadda Congress-ka Mareykanka, Ilhan Omar, ayaa lagu weeraray dareere aan la aqoonsan fiidnimadii Talaadada, xilli ay khudbad ka jeedinaysay kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, sida ay xaqiijiyeen booliska iyo goobjoogayaal.
Weerarka ayaa dhacay iyadoo Ilhan Omar ay ka hadlaysay siyaasadaha socdaalka iyo howlaha Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka, isla markaana ay si adag u dhaliilaysay Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem, kuna baaqaysay in xilka laga qaado ama lala xisaabtamo. Goobjoogayaal ayaa sheegay in nin aan la aqoonsan uu si degdeg ah ugu soo orday minbarka, kadibna uu ku buufiyay xildhibaanadda dareere aan la garanayn noociisa.
Ilaalada goobta joogtay ayaa si dhaqso leh u qabtay una xakameeyay ninka, waxaana boolisku sheegeen in Ilhan Omar aysan wax dhaawac ah soo gaarin. Qaar ka mid ah dadkii goobta joogay ayaa sheegay in dareeraha lagu buufiyay uu lahaa ur aad u xun.
Kadib dhacdada, Ilhan Omar ayaa dib ugu laabatay minbarka hadalka, iyadoo sii wadday khudbadda, inkastoo dad ku dhowaa ay ku boorinayeen in la hubiyo xaaladdeeda caafimaad. Xafiiskeeda ayaa bayaan ku sheegay in eedeysanaha isla goobta lagu xiray, laguna soo oogay dacwad weerar darajada saddexaad ah, halka baaritaan lagu wado si loo ogaado nooca dareeraha iyo ujeeddada weerarka.
Ilhan Omar ayaa dhacdada kadib ku qortay barta X: “Waan fiicanahay. Anigu waxaan ahay qof wax badan ka badbaaday, fal noocan ahna igama joojin doono shaqadayda. Uma oggola caga-jugleeyayaasha inay guuleystaan.”
Weerarkan ayaa yimid saacado kaddib hadallo dhaliil ah oo uu jeediyay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo Ilhan Omar ku weeraray munaasabad ka dhacday Iowa. Dhacdadu waxay dhalisay cambaareyn ballaaran oo ka timid mas’uuliyiin iyo ururro u dooda xuquuqda madaniga ah, kuwaas oo ku baaqay in la adkeeyo amniga xubnaha Congress-ka.

