Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaXildhibaan qaab la yaab leh ku waayay kursigiisii Golaha Shacabka iyo sababta

Xildhibaan qaab la yaab leh ku waayay kursigiisii Golaha Shacabka iyo sababta

Dhanka kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa faray in si deg deg ah loo soo buuxiyo kursigan oo uu tirsigiisu yahay Hop#201, deegaan doorashadiisuna tahay gobollada waqooyi ama Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo ka dhan ah xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka tirsan golaha, kaas oo horay marar badan dhaleeceyn u jeediyay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaankan oo marar badan fadeexo iyo musuq-maasuq ku eedeeyay dowladda, isla markaana warbixino u gudbiyay hay’ado caalami ah ayaa ugu dambeyn maanta laga eryey baarlamaanka, kadib go’aan uu soo saaray guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Go’aanka oo lagu caddeeyay warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay in xildhibaan Abiib uu lumiyay xubinimidiisii golaha shacabka, sababo la xiriira inuu soo xaadiri waayay laba kalfadhi oo uu yeeshay baarlamaanka Soomaaliya.

“Hadaba Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib ma uusan soo xaardirin golaha shacabka in ka badan laba kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidaas daraadeed wuxuu lumiyay xubininimadiisii golaha shacabka si waafaqsan qodobka 59-aad, faqradiisa (d) iyo qodobka qodobka 8-aad faqradiisa (4) ee xeer hoosaadka golaha shacabka”.

Dhanka kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa faray in si deg deg ah loo soo buuxiyo kursigan oo uu tirsigiisu yahay Hop#201, deegaan doorashadiisuna tahay gobollada waqooyi ama Somaliland.

RELATED ARTICLES

Most Popular