Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaXildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyey Axdiga Xakameynta Tubaakada

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyey Axdiga Xakameynta Tubaakada

MUQDISHO — Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyey Axdiga Xakameynta Tubaakada, tallaabo ka mid ah dadaallada dowladda ee lagu yareynayo isticmaalka tubaakada iyo waxyaabaha kale ee maandooriyaha ah.

Axdigan waxaa oggolaaday 139 xildhibaan, halka saddex xildhibaan ay ka aamuseen, mana jirin cid diidday. Natiijada ansixinta ayaa lagu dhawaaqay intii uu socday fadhiga maanta, waxaana ku dhawaaqay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka, Cabdullaahi Cumar Abshirrow.

Xeerkan cusub ayaa diiradda saaraya xakameynta tubaakada, adkeynta habraacyada ka hortagga maandooriyaha, iyo ilaalinta caafimaadka bulshada, gaar ahaan dhalinyarada oo ay saameyn weyn ku yeesheen waxyaabaha maskaxda dooriya.

Ansixinta Axdiga Xakameynta Tubaakada ayaa sidoo kale muujinaysa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la jaanqaadidda heshiisyada caalamiga ah ee la xiriira caafimaadka dadweynaha, iyo xoojinta siyaasadaha lagula tacaalayo maandooriyaha.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay hay’adaha amniga, gaar ahaan Booliska Gobolka Banaadir, kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah ka ganacsiga sharci-darrada ah ee maandooriyaha, kuwaas oo dhawaan lagu soo bandhigay agab kala duwan oo dalka si sharci-darro ah lagu soo gelinayey.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in hirgelinta axdigan ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu doonayo in lagu ilaaliyo caafimaadka bulshada, lana yareeyo saameynta taban ee maandooriyaha ku leeyahay horumarka iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

Most Popular