Magaalada Arusha ee dalka Tanzania ayaa maanta lagu dhaariyay xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA), tallaabo loo arko mid muhiim u ah ka qeybgalka Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Sida uu shaaciyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo EAC, Ilyaas Cali Xasan, sagaal xildhibaan oo Soomaaliya ka socda ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay baarlamaanka gobolka, kadib markii ay kasoo gudbeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa.
Danjiraha ayaa sheegay in dhaarinta xubnahan ay ka dhigan tahay guul siyaasadeed oo u soo hoyatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay muujinayso doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ku leedahay iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka Bariga Afrika.
“Maanta waa maalin taariikhi ah oo guul u ah dowladda iyo shacabka Soomaaliya,” ayuu yiri safiirka, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka, iskaashiga, nabadda iyo horumarka dalalka ku mideysan Bulshada Bariga Afrika.
Sidoo kale, danjiruhu wuxuu u mahadceliyay madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, oo uu sheegay inuu door weyn ka qaatay dadaallada lagu xoojinayo ka qeybgalka Soomaaliya ee ururka.
Sagaalka xubnood ee Soomaaliya ku matalaya EALA ayaa kala ah: Xuseen Xasan Maxamed, Fadumo Cabdullaahi, Sahra Cali Xasan, Cabdisalaam Hadliye, Fahma Axmed Nuur, Abuukar Mardaadi, Feysal Cabdi Rooble, Ilhaan Cali Garas iyo Cabdiraxmaan Bashiir Shariif.
Soomaaliya ayaa noqotay xubinta siddeedaad ee ku biirta Bulshada Bariga Afrika dabayaaqadii sanadkii 2023, iyadoo tan iyo markaas ka shaqeyneysay dhameystirka ka qeybgalkeeda hay’adaha kala duwan ee ururka. Dhaarinta xubnaha EALA ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo doorka Soomaaliya ee iskaashiga gobolka.

