Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaXildhibaannadii Puntland ee Muqdisho Lagu Xanibay oo Loo Fasaxay safarkooda Garoowe

Xildhibaannadii Puntland ee Muqdisho Lagu Xanibay oo Loo Fasaxay safarkooda Garoowe

Muqdisho – Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda deegaannada Puntland, kuwaas oo dhowaan lagu xanibay magaalada Muqdisho, ayaa saaka loo ogolaaday inay u safraan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Xildhibaannadan iyo senatorrada ayaa maalmahan ku sugnaa Airport Hotel ee Muqdisho, kadib markii la sheegay in loo diiday inay ka dhoofaan caasimadda iyagoo ku sii jeeday Garoowe. Wararka ayaa tilmaamaya in ugu dambeyn loo fasaxay safarka, kaddib markii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu shalay si aqlabiyad leh u ansixiyay wax ka beddelka iyo dhammaystirka Dastuurka dalka.

Mid ka mid ah xildhibaannadaasi oo la hadlay warbaahinta isaga oo ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa xaqiijiyay in saaka loo ogolaaday inay dib ugu laabtaan deegaanadooda.

Xildhibaannadan ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho, waxaana la sheegay in arrinta dib u dhaca safarkooda ay ku xidhneyd xaaladda siyaasadeed ee la xiriirta ansixinta dastuurka cusub.

Dhanka kale, wararka ka imanaya Garoowe ayaa sheegaya in magaalada ay ka socoto qabanqaabada soo dhoweynta xildhibaannadan. Marka ay gaaraan halkaas, waxaa la filayaa inay kulan wadatashi ah la yeeshaan Madaxweynaha Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay uga arrinsadaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulamadaasi ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha la xiriira dastuurka, iyadoo ugu dambeyn la gaari doono go’aan ay xildhibaannadu ka qaataan xaaladda taagan.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular