Saturday, May 17, 2025
spot_img
GurigaWararkaXildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo Xaasan Sheekh ka dalbaday...

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo Xaasan Sheekh ka dalbaday inuu xilka is casilo

In ka badan 100 xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal si wadajir ah ay u saareen waxaa ay uga hadleen xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee dalka, iyagoo si cad u muujiyay walaac weyn oo ay ka qabaan jihada uu dalku u socdo iyo go’aannada aan laga wada-tashan ee laga soo saaray Golaha Wadatashiga Qaranka.

Xildhibaanadu waxay cadeeyeen in go’aannadii dhowaan kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka aysan ka turjumaynin rabitaanka guud ee saamilayda siyaasadeed, balse ay ahaayeen go’aammo uu gaaray hal urur siyaasadeed oo kaliya.

Xildhibaanadu waxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, si cad ugu baaqeen:

  • Inuu kusoo laabto dariiqa sharciyeed ee dalka, kuna dhaqmo Dastuurka KMG ah.
  • Inuu bilaabo wadatashi qaran oo dhab ah, kaasoo ay ka qeybgalaan dhammaan saamilayda siyaasadeed ee dalka.
  • Inuu si degdeg ah uga baaqsado tallaabo kasta oo colaadeed oo lagula beegsanayo Jubbaland, si looga hortago khilaaf hor leh iyo burbur siyaasadeed oo dheeraad ah.

Xildhibaanadu waxay sidoo kale uga digeen dowladda inay dalka geliso qalalaase siyaasadeed, amni iyo mid bulsho. Waxay sheegeen in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uusan qaadan tallooyinkaas muhiimka ah, ay ku talinayaan inuu si sharfan xilka isaga casilo si loo badbaadiyo midnimada, dowladnimada iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan caddaynaynaa in dhammaan go’aannadii siyaasadeed ee laga gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka ay ahaayeen kuwo uu gaaray hal urur siyaasadeed. Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh kasoo laaban waayo, waxaan si rasmi ah ugu soo jeedinaynaa inuu xilka iska casilo.”

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya hay’adaha dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah saamilayda siyaasadeed ee dalka ayaa maraya meeshii ugu sareysay, iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada laga soo jeedinayo gudaha Baarlamaanka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda dalka.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular